WARCUSUB : Garoowe & xaaladda maanta ay ku sugan tahay.

WARCUSUB : Garoowe & xaaladda maanta ay ku sugan tahay.

Garoowe (Raxanreeb ) Xaaladda magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa maanta ka degan  ka dib markii 24- kii saac ee la sood dhaafay ay ka jireen saan – saan colaadeed.

Sida wararka ay sheegayaan , magaalada waxa ka soconaya dadaalo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa xiisadaha salka ku haya doorashooyinka oo laga cabsi qabo in gacan qaad  uu ka dhasho.

Magaalada waxaa isku haya labada dhinac ee ku mursan qabsoomida doorashada waxaana mucaaradku  ciidamo ay soo dhoobeen waddooyin muhiim ah oo caasimada ah taas oo cabsi ku beertay dadka magaalada.

Weli lama soo sheegin saaka wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ay samaynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta Mucaaridka ah.

Xaafadaha xiga dhinaca Taliska Ligle iyo saldhiga galbeed ee caasimadda oo shacabku si weyn uga bara-kacay ayaa saaka cidla’ ah waxaana dhankaas ku sugan ciidamada taabacsan Mucaaridka.

Dhinaca kale qaar kamid ah odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo ayaa lagu wadaa in ay maanta yimaadaan Garoowe si ay qayb uga noqdaan xal u raadinta xiisadda taagan.

Goor sii horeysay , mucaaradka ayaa sheegay in si madax banaan ay u qabsan doonaan doorasho madax banaan , maadama ay ku eedeyeen Madaxwaynaha waqtiga uu ka dhamaanayo inuusan diyaar u ahayn doorasho waqtigeeda ku dhacdo.

Dalalka caalamka ee  taageeea Dowladda ayaa isha si wayn uga haya xaaladda doorasho iyo guud ahaan deegaanada maamul goboleedka Puntland halkaas oo ay ka jirto xaalad hubinti la’aan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.