Amniga  dartii oo loo baajiyay kulankii maanta  Barlamaanka Puntland

Amniga  dartii oo loo baajiyay kulankii maanta  Barlamaanka Puntland

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe maanta oo isniin ah waxaa lagu aaday inuu ka furmo  kulanka Barlamaanka maamul goboleedka Puntland  hase ahaatee la joojiyay

Arintan ayaa sabab looga dhigayaa ka dib xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Garoowe oo aan wax xal ah laga gaarin isla markaana ciidamo fara badan gudaha ay ugu jiraan magaaalada.

Barlamaanka Puntland ayaa maanta dood ka yeelan lahaa Xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo xukuumaddu soo gudbisay taas oo muran badana uu ka taaganaa .

Warar ayaa sheegaya  in xaalado amni dartood Fadhiga dib loo dhigay ilaa Khamiista Todobaadkan, kadib markii magaalada Garoowe laga dareemay xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan

Xiisadda ayaa sidoo kale dhalisay in shacab badan ka bara-kacaan xaafadaha caasimadda Garoowe, iyadoo cabsi laga qabo in dagaal ka qarxo magaalada maadaama ay is hor-fadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Mucaaridka ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in goobaha waxbarashada ay weli xiran yihiin islamarkaana aan saaka loo shaqa tegin xarumaha dowladda qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.