Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa la qarxiyay markale goobo ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed , maalin uun ka dib markii Taliyaha NISA uu booqday suuqa Bakaaraha .
Degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in lagu qarxiyay xarumo ganacsi oo hore hanjabaad ugu timid kooxda maleeshiyaadka ah ee Al- Shabaab.
Miino la dhigay albaabka hore ee xarumo ganacsi oo degmada Yaqshiid ah ayaa gabi ahaan la qarxiyay sida ay ku warameen dadka deegaanka oo aan la hadalnay.
Goobaha waxyeeladu ay soo gaartay waxaa durbadiiba gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya kuwaas oo baaritaano ku saameeyay hareeraha mana jirto wax natiija ah oo ka soo baxay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku amartay ganacstada magaalada Muqdisho in xarumahooda ay ku xiraan , kaamirooyinka qarsoon , waxaana xigay hanjaadyo kale oo ka soo baxay AS.
Tan iyo markaas waxaa la qarxiyay goobo badan oo ganacsi kuwaas oo kooxda Al- Shabaab ay sheegeen in ay qaadan waayeen amarkooda.
Leave a Reply