WARCUSUB | Prof . Jawaari oo geeriyooday & taariikhdiisa kooban.

WARCUSUB | Prof . Jawaari oo geeriyooday & taariikhdiisa kooban.

Muqdisho (Raxanreeb )-Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Jimca ah ku Geeriyooday magaalada Muqdisho.

Geerida AUN Jawaari waxaa xaqiijiyay ehelkiisa

AUN Jawaari wuxuu dhashay sanadkii 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga sharciga , isaga oo ka ka soo shaqeeyay dhowr dastuur oo Soomaaliya yeatay laga soo bilaabo 1960-kii.

Sanadkii 2012 ayaa loo doortay Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Waxaa sidoo kale mar kale dib loo doortay 2017 kii wallow uu xilkaaasi iska casilay 2018 kii.

Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu horay u soo noqday wasiir dhowr jeer ka tirsanaa dowladii Maxamed Siad Barre ee xukunka laga tuuray sanadkii 1991. Wuxuu kaloo dowladaas ka qabtay xilal kale oo dhowr ah.

Tababar ahaan, waa qareen, wuxuuna prof Jawari horay u soo guddoomiyay guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.