WARCUSUB : Sarkaal ka tirsan ciidanka DFS  oo Muqdisho  lagu qarxiyay.

WARCUSUB : Sarkaal ka tirsan ciidanka DFS  oo Muqdisho  lagu qarxiyay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Faahfaahin dheeraad aha ayaa soo baxaysa sarkaal muhiim ah oo manta oo Axad ah qarax khasaare  gaystay  lagula eegtay magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Xasan Jaamici waxaana ka  soo gaaray qaraxaas , dhaawac culus halka waxyeelo sidoo kale ay gaartay ilaaladiisa.

Dhaawaca Xasan Jaamici ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana xubno ehel la ah sargaalkan oo gaaray isbitaalka sheegeen in xaalada dhaawac ee sargaalka soo gaaray ay tahay mid culus.

Dhanka kale, Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Jeneraal Xasan Jaamici oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaannada Galmudug uu soo gaaray magaalada Muqdisho.

Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan qaraxan maanta magaalada Muqdisho lagula eegtay  Sarkaalkan lagu magacaabo Xasan Jaamici.

Leave a Reply

Your email address will not be published.