Dimishiq ( Raxanreeb Online) Isku dhacyada diimeed ayaa ka socda koonfurta Suuriya inkastoo “xabad joojin degdeg ah” uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalkaasi.
Toddobaadkii la soo dhaafay, dagaalyahanno ka tirsan beesha laga tirada badan yahay ee Druze ayaa la dagaallamayay maleeshiyaad hubeysan oo ka soo jeeda qoomiyada Bedouin gobolka Suweyda, iyadoo labada dhinacba lagu eedeeyay falal arxan darro ah.
Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa ciidamo geeyay balse ciidamada dowladda ayaa lagu eedeeyay inay ku biireen weerarrada lagu qaaday Druze. In ka badan 900 oo qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay rabshadaha.
Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay taageerayso Druze horraantii toddobaadkan iyadoona faragalisay, ka dib markii ay duqaysay ciidamda dowladda iyo xarunta wasaaradda gaashandhigga ee caasimada Dimishiq.
Sharaa, ayaa ku dhawaaqay xabad-joojin sabtdii iyadoo ciidamada ammaanka loo daad-gureeyey gobolka Suweyda si ay u dhammeeyaan isku dhacyada. Heshiiskaas oo ay ku jirtay in la joojiyo duqaynta milatariga Israa’iil, Israa’iil ayaa oggolaatay heshiiskan oo qayb ka ah qorshe uu Mareykanku dhexdhexaadiyay, iyadoo sidoo kale ay ku jirto ilaalinta muwaadiniinta Druze-ka.

Leave a Reply