Wasaaradda waxbarashada oo digniin u dirtay ardayda Muqdisho.

Wasaaradda waxbarashada oo digniin u dirtay ardayda Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb)- Maanta waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dibadbaxyo ay dhigeen arday loo diiday in ay xaadiraan imtaxaanka dowladda ay qaadayso.

Dibadbaxaas ayaa sababay in wadooyinka qaar ay xanibaan ardayda ka gadoodsan in laga xirto albaabada ka dib markii la sheegay in ay ka soo daaheen waqtiga imraxaanka.

Ardayda qaarkood ayaana bilaabay dhagaxtuur iyo in sidoo kale ay dhagxaan laamiga ku jaraan, waxa ayna ardayda sameeyeen gadood ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin in loo diido in ay galaan imtixaanka.

Qaar kamid ah ardayda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in waddooyinka magaalada oo xirmay iyo biyaha roobka oo meel kasta fadhiya sabab u noqotay in ay soo daahaan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxbarashada iyo saraakiisha booliska oo ku aadan dibadbaxa ay dhigeen ardaydaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.