Wasiir katirsan Xukuumadda Xamse oo Baarlamaanka looga yeeray

Wasiir katirsan Xukuumadda Xamse oo Baarlamaanka looga yeeray

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah ay kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay kaga hadlayaan arrimo dhowr ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in Maanta uu jiro Kulanka Golaha Shacabka, isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kulanka kasoo qeyb galaan, waxaana Ajandaha Kulanka Maanta uu yahay: Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa lagu wadaa in Xildhibaannada Golaha Shacabka uu Warbixin ka siiyo Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed oo Wasaaradiisa ay y gudbisay Xildhibaannada.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inay su’aalo la xiriira Hindise sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed inay weeydiiyaan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa weli horyaalla sharciyo dhowr ah, kuwaas oo bilaha soo socda ay ka doodi doonaan, isla markaana la filayo inay badankooda ansixiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.