Muqdisho ( Raxanreeb ) Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinta Muqtaar Roobow ayaa waxa uu guddiga tartanka adeegga Xajka u magacaabay walaalkiisa, Xertiisa iyo rag saaxiibo dhow yihiin.
Guddigan markii la magacaabay , durbadiiba waxaa ka falceliyay qaar ka mid ah wakiilada diyaaradaha kuwaas oo ku tilmaamay mid aan cadaalad ku dhisnayn waxaana ka taagan cabasho ay qabaan ganacstada xajka.
Sanad kasta xilligan oo kale waxaa soo baxa khilaaf ku saabsan hanaanka loo maareeyo Guddiga ka shaqeeya arrimaha xajka.
Hoos ka akhriso warqada magacaabista guddiga.
Leave a Reply