Sacuudiga oo $5 bilyan ku shubay Bankiga Dhexe ee Turkey

Sacuudiga oo $5 bilyan ku shubay Bankiga Dhexe ee Turkey

Riyad (Raxanreeb) — Sacuudi Carabiya ayaa maanta sheegtay inay $5 bilyan ku shubeyso Bankiga Dhexe ee Turkey, taasi oo taageero xooggan u ah dalkaas oo la tacaalaya sicir-barar xooggan iyo waxyeelada dhul-gariirkii ku dhuftay bishii tegtay.

Ahmed Al Khateeb, oo ah wasiirka dalxiiska Sacuudiga, iyo xubin ka tirsan Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, ayaa heshiis la saxiixday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Turkey Sahap Kavcioglu “si loo sameeyo lacag ku shubistan muhiimka ah ee $5 bilyan,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri dowladda Sacuudiga.

“Lacag ku shubitsan waxay caddeyn u tahay iskaashiga dhow iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Turkiga iyo shacabka walaalaha ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Go’aankan oo xoojin doona kaydka lacagta qalaad ee Turkiga, islamarkaana ka caawin doona inay la dagaalanto sicir-bararka, ayaa lagu sameeyay amarka Boqor Salmaan iyo Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan, ayuu bayaanka intaas ku daray.

Tallaabadan ayaa muujineysa isku soo dhawaanshaha Riyadh iyo Ankara kadib markii xiriirkooda uu soo gaaray dhaawac culus oo ka dhashay dilkii 2018-kii ee saxafiga Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Turkey ayaa ka carysiisay Sucuudiga ayada oo xilligaas si adag u raadisay baaritaanka kiiskan, kadibna xog joogto ah siineysay warbaahinta caalamka.

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa rumeysan in howlgalka lagu dilay Khaashuqji uu “ansixiyey” Amiir Maxamed bin Salmaan, inkastoo mas’uuliyiinta Sacuudiga ay arrintaas beeniyeen.

Madaxweynaha Turkey, Recep Tayyip Erdogan ayaa horey u sheegay in xubnaha “ugu darajada sarreeya” dowladda Sacuudiga ay amreen dilka, inkasta oo uusan marnaba eedeyn Amiir Maxamed bin Salmaan.

Erdogan ayaa si aad ah ugu dadaalay in dib loo soo nooleeyo xiriirka, tallaabadaas oo taxliiliyayaasha siyaasadeed ay ku qeexeen mid ay dhiiri-geliyeen dano dhaqaale.

Bishii April ee tagtay, wuxuu booqashadii ugu horreysay ku tegay Sacuudiga tan iyo dilkii Khaashuqji, halkaasi oo uu kula kulmay Amiir Maxamed kahor inta aanu u safrin magaalada Makka.

Amiir Maxamed ayaa kadib ku xigsaday oo booqasho ku tegay magaalada Ankara bishii June.

Turkey oo markii horeba la tacaalasay sicir-barar aan horey loo arag iyo lacagta dalka oo qiimo dhacday ayaa waxaa bishii tagtay ku dhuftay dhul-gariir cabirkiisu yahay 7.8, kaasi oo dalkaas iyo dalka deriska la ah ee Syria ku dilay in ka badan 50,000 oo qof.

Ayada oo dhowr bil un ay ka harsan yihiin doorashooyinka dhacaya bisha May, madaxweyne Erdogan ayey qasab tahay inuu la tacaalo waxyeelada dhul-gariirka oo Bankiga Adduunka uu ku qiyaasay $34 bilyan oo dollar.

AFP