Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirkii hore ee Dowladda ee Jabuuti, Maxamed Ibraahim Yuusuf, oo ugu yimid booqasho iyo sagootin sharafeed ah, taasoo ku aadan dhammaadka muddadiisii shaqo ee uu ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiyay Dalka Soomaaliya.
Wasiirka Cabdisalaam ayaa si weyn u ammaanay doorka iyo dadaalka Safiirka ee ku aaddanaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale horumarinta iskaashiga heer gobol.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay u muujinaysaa mahadcelin buuxda, iyadoo u rajaynaysa Safiirka mustaqbal wanaagsan iyo guulo badan.
Sikastaba, dowladda Jabuuti ayaa dhowaan Cismaan Doubad u soo magacawday inuu noqdo safiir cusub ee Soomaaliya u fadhin doono.

Leave a Reply