Weerar ka dhacay degaan hoostaga Magaalada Kismaayo iyo khasaaro ka dhashay

Weerar ka dhacay degaan hoostaga Magaalada Kismaayo iyo khasaaro ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xoogana aoo xalay ku dhexmaray degaanka Qaamqaam oo hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidamo katirsan kuwa Jubbaland iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kaidb markii Al-Shabaab ay weeraren Saldhiga Ciidmada Jubbaland ee degaanka Qaamqaam, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarka ay degaanka Qaamqaam kusoo qaadeen Xubnaha katirsan Kooxda Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Qaamqaam oo hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana ay degaanka ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.