Weriye loo haysto la shaqaynta CID oo Ruush- ka lagu Maxkamadaynayo

Weriye  loo haysto la shaqaynta CID oo Ruush- ka lagu Maxkamadaynayo

Mascow (Raxanreeb )-Dacwad oogayaasha Ruushka ayaa sheegay in saxafiga Mareykanka ee Evan Gershkovich la horgeyn doono maxkamad magaalada Ural, kadib markii lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka.

Gershkovich oo 32 jir ah ayaa lagu eedeeyay ururinta macluumaadka sirta ah ee amarrada CIA-da ee ku saabsan Uralvagonzavod, oo ah xarun soo saarta oo dayactiraysa qalabka milatariga Ruushka sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Xaafiiska dacwad-oogaha guud ee dalkaasi.

wariyahan oo ka tirsan wargeyska Wall Street Journal, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii lagu xiray magaalada Yekaterinburg, oo qiyaastii 1,400 kilomitir u jirta caasimadda Moscow, kana xegta dhanka bari 29-kii March sanadkii 2023, waxaana lagu eedeeyay basaasnimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.