Kampala (Raxanreeb online) – Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxay bartiisa X, isagoo mudaba ku qorayay fariimo muran badan dhaliyay.
Sidoo kale, Jeneraalkaan 50-jirka ah ee ciidanka xoogga dalka Uganda ayaa si weyn ugu lug yeeshay saaxadda siyaasadda, wuxu jebiyay qanuunka militariga, isagoo sidoo kale dib u soo celiyay doodo ku saabsan hammigiisa ku aaddan inuu xilka kala wareego aabihiis oo xukunka hayay tan iyo 1986-kii.
Dhawaan ayey ahyed markii ay caro ka dhalatay qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka oo uu ugu hanjabay in uu qoorta ka jari doono hoggaamiyaha mucaaradka ee dalkaasi Bobi Wine.
Qoraalkiisii ugu dambeeyay ee jimcihii, Janaraal Kainerugaba wuxuu yiri “waxaa la gaaray waqtigii uu isaga bixi lahaa oo uu xoogga saari lahaa” waajibaadkiisa milatari laakiin wuxuu ballan qaaday inuu “dib ugu soo noqon doono” halka milyan ee taageerayaashiisa mustaqbalka ah.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Janaraal Kainerugaba uu hakiyo akoonkiisa X, dhowr jeero oo hore ayuu sidaan oo kale uhakiyay daabicitaanka qoraladiisa bartiisa X.
2022, wuxuu ka tagay madal qoraallo kaliya lagu daabic jiray balse maalmo kadib ayuu dib ugu laabtay.
Sikastaba, dadka dhaleeceeya ayaa jeneraalka ku eedeeyay hadallada uu baraha bulshada ka sheegay, kuwaas oo taabtay mowduucyo xasaasi ah oo aysan ahayn in uu ka hadlo askari ciidanka ka tirsan.
Leave a Reply