Xaafadda Deb- Damiska ee Muqdisho oo xaalad adag ka taagan.

Xaafadda Deb- Damiska ee Muqdisho oo xaalad adag ka taagan.

Muqdisho ( Raxanreeb )- Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa burburin ku bilaabay xaafadda dem- demiska degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Aroor hore ayaa la arkayay ciidanka booliska Nabad sugida & Militiri oo ku kalahay xaafadahaas oo ay deganayeen dad shacab ah oo u badan danyar.

Ma aysan filaynin dadka xaafadaha Deb- damiska degan in saaka aroor hore ciidanka ay ku kalahayaan waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Qoysas badan ayaa isugu soo baxay hareeraha halka lagu burburinayay guryaha dem- demiska ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.