Xarun kamid ah Maamulka Gobolka Banaadir oo korontada laga jartay

Xarun kamid ah Maamulka Gobolka Banaadir oo korontada laga jartay
Allbanaadir.com

Warar lagu kalsoonaan karo oon heleyno ayaa sheegaya in muddo shan maalin ah aysan wax shaqo ah ka socon xarunta degmada Waabari ee gobolka Banaadir, waxaana xaruntaasi ka maqan oo laga jaray korontadii socodsiinta shaqada muhiimka ah u aheyd.

Wali si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa koronto la’aanta ka jirta xarunta degmada Waabari, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in si kas ah korontada u jareen maamulka dedgmada , halka warar kalana sheegayaan in lacagp koronto xarunta lagu yeeshay.

Koronto la’aanta degmada ka jirta ayaa timid kaddib markii xarunta degmada la geeyay qalabka suul saarka ah ee lagula soconayo masuuliyiinta iyo shaqaalaha xarunta degmada in shaqada soo xaadiraan iyo in kale, lamana oga waxa isku soo aadiyay in korontada la jaro iyo suul saarka xarunta la geeyay.

Qara kamid ah xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir iyo xarumo wasaaradeed oo dowladda leedahay ayaa marar badan laga jartay korontadii ay ku shaqeenayeen, kaddib markii ay iska bixin waayeen lacago badan oo lagu yeeshay oo isticmaalka korontada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.