Xasan & Abiy oo ku kulmaya shir Kenya ka dhacaya

Xasan & Abiy oo ku kulmaya shir Kenya ka dhacaya

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeeyb galaya shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha deeganka oo shalay ka billowday dalka Kenya ee magaalada Nairobi.

Shirkan ayaa la filayaa isna in uu imaado ra’isulwasaare Abiy Axmed, iyo madax kaloo badan oo ka kala socda dunida daafaheeda isagoona socon doona illaa iyo 1-da bisha March.

Waa shirkii lixaad ee ku saabsan isbaddelka Cimillada, dunida kaas oo Qaramada Midoobay, ay qabanayaan.

Sidoo kale shirkan ayaa la sheegay in ay kasoo qeeyb galayaan illaa iyo 5,000 oo madax ah, kuwaas oo ka kala socda dunida daafaheeda shirkado gaar loo leeyahay wakiilo madax iyo Bulshada Rayidka.

Shirka ayaa shalay si rasmi ah, u furmay iyadoo la flaayo, marka la gaaro xilliga madaxweyneyaasha ay imaan doonaan madaxda caalamka intooda badan.

Shirkan caalamiga ah, ayaa ka dhacaya xarunta UNEP ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo inta badan lagu shiro.