Xasan Sheekh & Laftagareen oo salaanta iska qaadan – Khilaaf hor leh.

Xasan Sheekh & Laftagareen oo salaanta iska qaadan – Khilaaf hor leh.

Muqdisho (Raxanreeb )-Madaxwaynaha maamulka koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Laftagreen ayaa xogo soo baxaya waxay sheegayaan inuu damacsan yahay qabashada doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Cabdicasiis oo jooga wax ka badan muddo xileedkiisa ayaa ku jooga heshiis wada- ogol ah oo hoosta ka wada saxiixeen maamulkaas iyo xubno mucaarad ku ahaa maamulkaas.

Heshiiskaas oo dhamaaday ayaa markale fursad u siisay Madaxwaynaha Koonfur Galbeed in sanad kale oo dheeraad ah uu sii joogo xukunka taas oo ku timi heshiiska Golaha wada – tashiga Qaran ee is waafajinta doorashada mamulada & Dowladda dhexe.

Madaxwaynaha maamulka koonfur Galbeed oo ayaa wada – isbedel uu ku samaynayo Dastuurka maamulkaas iyo inuu qabto doorashada laga soo hormariyay waqtigeeda.

Damaca Cabdicasiis Laftagareen ayaa waxa durbadiiba dhaliyay khilaaf soo kala dhaxgalay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida xogaha ay sheegayaan , labada dhinac ee Xasan Sheekh & Laftagareen ayaa isku mari waayay qorshahaas isla markaana sida wararka ay sheegayaan madaxwaynaha uu taas ka digay.

Villa Soomaaliya ayaa marka la gaaro waqtiga doorashada KGS doonaysa in meesha ay ka saarto Laftagareen maadama la gali doono Olole doorasho iyo kala jiidasho madaxda maamul goboleedyada .

Leave a Reply

Your email address will not be published.