Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi DENI ayaa sheegay in Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Puntland ay kala kulantay caqabado badan iyo cadaasi xoogan.
Saciid DENI oo ku jira Olole inuu markale soo laabto ayaa sheegay in waxyaabaha ugu badan ee ay kala kulmeen Xasan Sheekh Maxamuud dadka reer Puntland ay tahay wax ka bedelka Dastuurka.
Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay Saciid DENI in xitaa dhaqaalaha caalamka Puntland ay siiyaan loogu bedesho sida uu hadalka u dhigay , siyaasad taasna uu ku tilmaamay waxyaabaha Puntland ay dusha ay u ridatay.
“Waxaan gorgortan ka gali weynay in hoos loo dhigo nidaamka federaalka. Waxaan iska diidnay in dhaqaalaha adduunku ugu talo galay Soomaaliya, oo qeybta ay Puntland leedahay noolaga beddesho in dastuurka lagu marin habaabiyo,” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Madaxwaynaha waxa uu xusay in ay iska diideen sida uu yiri wax kasta oo ay u arki kareen in lagu waxyeeleeyo nidaamka Puntland oo in mudda ah lagu soo caana- maalayay.
Hadalkan ayuu madaxweyne Deni sheegay, xilli uu maanta la hadlayay baarlamaanka Puntland, isagoo kamid ahaa musharaxiinta madaxweynaha ee khudbadaha ka hor jeediyay baarlamaanka.
Leave a Reply