Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay

Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay

Hargeysa (Raxanreeb) — Wasiirkii Gaashaandhigga Jamhuuriyadda gooni isutaaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa waraysi uu siiyey telefishinka maxalliga ah ee Horyal waxa uu ku sheegay in uu xilkii iska casilay.

Cateeye ayaa sheegay inuu doonayo in uu dadka reer Somaliland la wadaago, “in aan maanta xilkaygii halkaas kusoo koobo oo aan iska casilo”.

Waxa uu is casilaadiisa la xiriiriyey heshiiskii is afgarad ee 1-dii bishan ku dhex maray Somaliland iyo Itoobiya magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan muranka abuuray ayaa dibadbaxyo ballaaran ka dhaliyey meelo kala duwan oo guud ahaan Soomaaliya ka tirsan gaar ahaanna kuwa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan Somaliland.

Bbc