Xildhibaan Maxamed Abiib oo sheegay in uu is casilayo

Xildhibaan Maxamed Abiib oo sheegay in uu is casilayo

Xildhibaan Maxamed Abiib oo katirsan golaha Wakiilada Somaliland oo ayaa maanta si adag u hadlay, wuxuu sheegay in aysan sinaba xaq u aheyn in Yaasin Faratoon ahaado gudoomiyaha golaha Wakiilada, sabab la xariirtaba in aysan reerkiisu kamid aheyn Somaliland, oo aysan 10 qof dadkiisa jooginba.

Mr, Abiib hadalkiisa ayaa ah xaqiiqada oo dubka cad, laakiin is moogaysiinta Soomaalida ayaa taas wax ka duwan sawirta.

Faratoon ayaa hadda haya galka ah in gollaha laga saaro Xildhibaan Maxamed Abiib oo kasoo jeeda Awdal, wuxuuse xildhibaankan maanta sheegay in uu latashi ugu laabanayo bulshadiisa.

AWDAL- waa xalxiraale dhinacyada mudanta Simaliland isku yaqaana oo ay aad isku moogeysiinayso, aanse shaki laheyn in ay qarxi doonto sidii Sool maalin uun dheerataa dhawaataaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.