Xildhibaano dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray shil ka dhacay Garowe

Xildhibaano dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray shil ka dhacay Garowe

Garowe (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay shil baabuur oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo ay dhimasho dhaawac ku noqdeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid, ayaa xaqiijiyay shilkan waxaana shilkaas ku dhintay Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada, halka uu ku dhaawacmay Xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo isna ka tirsan Golaha Wakiillada .

“Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Reer Puntland ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid.

Guddoomiyaha ayaa tacsiyo tiiraanyo leh u diray dhammaan ehellada marxuumka, isaga oo caafimaad u rajeeyay xildhibaanka dhaawaca ah oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Garoowe.

“EBBE waxaa uga baryaya inuu u caafimaad taam ah siiyo Xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed iyo Dr Ciise Jaamac Maxamed oo dhaawac ka soo gaaray shilka gaari” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sidoo kale waxaa isna dhacdadan ka hadlay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka, isaga oo xildhibaanka dhaawacmay iyo dadka kale ee waxyeeladu soo gaartay u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

“Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, wuxuu caawa ku geeriyooday Shil gaari, Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Eheladii iyo Qoyskii uu ka geeriyooday. Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo inaga dhammaanteen Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni

“Sidoo kale waxaan Allaah Caafimaad degdeg ah uga baryayaa Xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo isna ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo dadka kale ee ku dhaawacmay Shilkaasi gaari. Aamiin” ayuu mar kale yiri.

Inta badan Puntland, waxaa aad uga dhaca shilalka gawaarida kuwaas sababa dhimasho iyo dhaawac, taasoo keenta xawaaraha gawaarida oo aad loo kaxeeyo.