Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan isu soo bax Jimcihii ka dhacay magaalada Xudur.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan isu soo bax Jimcihii ka dhacay magaalada Xudur.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka soo horjeestay banaan bax shalay ka dhacay Itoobiya oo lagu doonayay in lagu taageero dal ku xad-gudbay Qaranimada Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saareen mudanayaashan ayaa waxa ay uga digeen in falalkan oo kale ay burburiyaan xiriirka ka dhexeeya shacabka iyo qarankooda, isla markaana ay horseedaan kala fogaansho, waxaana madaxda ay u soo jeediyeen in dadka noocaas ah ay ka waantoobaan hadalada wax u dhimaya dalka.

Hogaamiyayaasha ayaa tilmaamay in dadka la siiyay kaarar ay ku qoran yihiin “Dooni mayno Masar, soo dhawoow Itoobiya” oo ay ku tilmaameen nasiib darro iyo ficil aan laga fiirsan cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Ciidamada la keenayo dalka, kuwa meesha laga saarayo iyo qorshaha guud ee amniga iyo heshiisyada waxaa mas’uul ka ah dowladda Federaalka oo kaliya, sidaas darteedna loo baahan yahay in la ixtiraamo ayay xildhibaanadu hadalkooda ku dareen.

Gobolka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur waxaa shalay ka dhacay isu soo bax ay ka qeyb galayaashu siteen boorar ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan ciidamada Itoobiya, waxayna cambaareeyeen suurtagalnimada in dowladda Masar ay keento ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.