XOG: Baarlamaanka Jubbaland oo Maanta qaadaya tallaabo ka careysiineysa dowladda Soomaaliya

XOG: Baarlamaanka Jubbaland oo Maanta qaadaya tallaabo ka careysiineysa dowladda Soomaaliya

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in Maanta ay Magaalada Kismaayo ku yeeshaan kulan aan caadi aheyn, kaas oo ay kaga hadlayaan arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in ujeedkiisu uu yahay in Baarlamaanka Jubbaland ay furan Dastuurka, isla markaana ay wax a bedelaan dastuurka Jubbaland, kaasoo dhigaya in Madaxweynaha uu tartami karo keliya laba jeer, balse ay ka dhigi rabaan in Madaxweynuhu tartami karo waligiis.

Kulanka ay Maanta yeelanayaan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in uu dalbaday Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, si waxka bedel loogu sameeyo Dastuurka Jubbaland.

Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa waxaa loo diray farriin la xiriirta in uu jiro kulanka Baarlamaanka, isla markaana uu dalbaday Madaxweynaha loogana hadlayo arrimaha Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa muddo dhowr iyo Toban Sano ah Maamula Jubbaland, iyada oo markasta uu muddo xileedkiisa uu dhamaado uu qabsado doorasho aan tartan furan aheyn sii isaga loo doorto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.