Xog: Midowga Yurub oo soo farogeliyay khilaafka DFS & Itoobiya

Xog: Midowga Yurub oo soo farogeliyay khilaafka DFS & Itoobiya

Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya , ayaa sheegtay kulan uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya , Taye Atske-Selassie  Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika, Annette Weber in looga hadlay arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya, badda cas iyo geeska Afrika. Inta uu kulanka socday ayaa lagu soo qaaday xaaladda Suudaan iyo dadaallada nabadeed ee la sheegay inuu billaabay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la sii waddo wada-hadallada si loo xoojiyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee Itoobiya iyo Midowga Yurub.

labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday khilaafka u dhaxeeya soomaaliya iyo itoobiya iyo sida xal looga gaari karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.