XOG :Qodobo aan la soo bandhigan oo looga hadlay Shirka Madasha Qaranka.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Qodobo hore loo sii ogaa ayaa ka soo baxay shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ee labada maalin ka socday magaaladaa Muqdisho iyadoo dood adag labada dhinac ay ka yeesheen arrimo – badan.

Dowladda Federaalka iyo maamul- goboleedyada inta badan waxa ay isku haysteen Boqolka Bilyan ee Bankiga Aduunka ugu deeqay Kabka miisaaniyadda Soomaaliya & sida loo qaybsanayo hase ahaatee qoraalka ka soo baxay madasha meelna loogama xusin heshiis arintan laga gaaray.

Lacagtan ayaa dowladda Soomaaliya waxay u qoondaysay Maamullada $20 milyan inay kala qeybsadaan, oo inta kale Bangiga Dhexa ku jirto, si shaqooyinka qaranka loogu qabto taas oo ahayd qodob hore ay isugu fahmi waayeen Wasaaradda Maalliyadda Dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shacabka Soomaaliyeed marnaba looma soo bandhigin heshiiska hanaanka qaybsiga , daqliga taas oo muujinayso in madaxdu dib ay u laabteen iyago aan wax natiij ah ka gaarin qodobadii la isku hayay .

Isla shirka waxaa dood adag laga yeeshay sida laga – yeelayo muddo kordhinta ay samaysteen dhamaan maamul goboleedyada dalka , maamul kastana waxa uu miiska ku soo bandhigay in qorshahan uu yahay mid xoojin kara xiriirka dowladda haddii aan dhanka dowladda wax dood ah aysan ka imaan.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa xogaha ay sheegayaan in lagu qanciyay in muddo xileedkiisa uu noqon doono isagana muddo shan sanna ah , hase ahaatee falanqeeyayaasha ayaa ka digaya caqabada talaabadan ay ku keeni karto Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadda dhamaan maamul goboleedyada waa kuwo sameysay muddo korddhin mid hal sanna ah Dowladda Federaalka ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuudna ay ku qanacday , waxaana la rumaysan yahay in tani ay keeni doonto in gundaha ay isla galaan Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada.

Tanina , waxa ay imaan doonta marka muddo xilleedka madaxwaynaha ah Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ka harsan tahay laba sanno oo maamuladan weli ay ahaan doonaan kuwa sii jooga xukunka , waxaana la aamin yahay in markaas gorgorton ay la gali doonaan madaxwayniyaasha maamulada Xasan Sheekh oo hadda ka aamusay muddo kordhinta maamul- goboleedyada ay – samaysteen.

Maamulka Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la rumaysan yahay inuusan awood badan u lahayn inuu xakameeyo xilligann maamul goboleedyada , taas oo keeni doonta mustaqbalka mid meesha ka saari doonta wada shaqaynta labada dhinac .
Maamulada hadda midkiiba min hal sanno ayuu kordhistay , maxaa xigi doono ayaa ah su’aasha ugu badan ee ay is waydiinayaan shacabka Soomaaliyeed.

W.Q Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.