William Ruto oo maanta loo dhaariyay madaxweynaha Kenya

Nairobi (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Kenya ayaa maanta oo Talaada ah si rasmi ah loogu dhaariyay madaxweynaha shanaad ee Kenya isla markaana waxaa uu bedeli doona Uhuru Kenyatta oo muddo sedeed sanna ah xilka hayay.

In ka badan 60,000 qof ayaa lagu qiyaasay in maanta ay ka qeybgashay xafladda caleemo saarka iyo dhaarinta madaxweynaha cusub ee Kenya ka dhacday garoonka Kasarani Sports Centre ee Nairobi.

Madaxda ka qayb gashay munaaasbadan dhaarinta Madaxwayne William Samoei Ruto ka mid ah Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa.

Waxaana sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya loo dhaariyay Rigathi Gachagua.

Raila Odinga ayaa sheegay in uusan ka qeybgeli doonin xafladda caleemo saarka ninka ay sida weyn isaga soo horjeedaan ee William Ruto.

Odinga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu aaminsan yahay in Guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka aysan qaban doorasho xor iyo xalaal ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.