XOG & XUURANSI : Axmed Madoobe oo bedelaya Dastuurka Jubbaland si isku caleema saaro.

XOG & XUURANSI : Axmed Madoobe oo bedelaya Dastuurka Jubbaland si isku caleema saaro.

Kismaayo (Raxanreeb ) – Sida Raxanreeb Online ay ogaatay madaxwaynaha Jubbaland ayaa wada – dadaalo uu ku doonayo inuu wax ka bedel uu ku sameeyo Dastuurka Jubbaland

Sida xogaha la helayo ay sheegayaan Axmed Madoobe ayaa bedeli doona Qodobka 70aad ee dastuurka kaas oo haddii la bedelo u ogolaan doono in markasta uu isku soo sharxi karo hoggaanka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socda kulamo ujeedkooda uu yahay sidii loo meelmarin lahaa qorshaha Axmed Madoobe ee wax ka bedelka Dastuurka maamulkaas.

Xog ay heshay Raxanreeb ayaa sheegayaa in Axmed Madoobe uu la kulmay xubno xildhibaamada ah iyo dhinacyo kale oo isaga taageersan oo uu kala hadlay arrimaha Dastuurka Jubbaland.

Axmed ayaa xukunka maamulkaas waxa uu hayaa in ka badan 12 sanno tan iyo xilligaasna ma jirin wax isbedel ah oo ku yimid hoggaanka maamulkaas oo hadda loo jeedinayo dhaliilo xoog badan oo ka imaanaysa beelaha deegaanadaas dega.

Haddii suurtagal ay noqoto in Axmed Madoobe uu wax ka bedelo Dastuurka ayaa la saadalinayaa in markale uu sii joogi doono Jubbaland taas oo keeni karto cawaaqib xumo kale oo maamulka ah .

Leave a Reply

Your email address will not be published.