Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Cadcadey, halkaasi oo ay kus soo qab qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Cilmi Cabdulle Cali , taliyaha ciidamada Macawiislayda ayaa sheegay in ay nolosha kusoo qabteen 3 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo qabtay deegaannada howlgallada ka dhacay.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inayb qirteen inay ka mid yihiin kooxda ayna tababar kusoo qaateen xeryo ay leeyihiin ururka islamarkaasna si ay uga barbar daggaallamaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa sheegay in raggan ay ku wareejiyeen ciidamada dowladda fedeeaalka, si loogu gudbiyo hay’adaha shaqada ku leh.

Cilmi, ayaa sheegay inay sii laba jibaarayaan howlgallada ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab, si looga sifeeyo haraadiga ku haray deegaannadaasi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ma jirto wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, ee ku saabsan qabashada saddexdan rag ee ka tirsan kooxda.

Sidoo kale weli waxa jirta kacsanaan xaaladda deegaannada iyadoo lasoo warinayo inay jirto dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda labada dhinac.

Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa ka mid ah, meelaha ay weli ku danbeeyaan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo intooda badan dagaalka xitaa ay ka qeeyb galeen Ciidamada ATMS, ex Amisom.