Xulka Spain oo ku guuleystay koobka Qaramada Yurub

Xulka Spain oo ku guuleystay koobka Qaramada Yurub

Xulka kubadda cagta ee waddanka Spain ayaa xalay marki afraad ku guuleystay koobka Qaramada Yurub, kaddib marki ay ciyaati finalka oo ka dhacday magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ay 2-1 ugu awood sheegteen dhiggooda England.

Goolasha waxaa Spain u kala dhaliyay Nico Williams iyo Mikel Oyarzabal, halka goolka kaliya ee Ingiriiska uu keenay Cole Palmer.

Qaar kamid ah taageerayaasha Xulka dalka Spain ayaa sameeyay dabaal-degyo waaweyn, kuwaas oo siweyn looga dareemay Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan dalalka Caalamka oo ay ku sugan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.