Safarka Aadan Madoobe ee maanta ku tagay Puntland & Ujeedka.

Garoowe (Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray  magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ku-xigeenadiisa, Xildhibaano, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale..

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa la sheegay in inta uu ku sugan yahay  magaalada Garoowe uu la kulmi doono madaxda maamulkaas.

Wada – shaqaynta labada Barlamaanka ee Federaalka iyo maamulk ayaa ah waxyaabaha ugu wayn ee Guddoomiyaha golaha shacabka  u gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Dhawaan warqad ka soo baxday  Guddoomiyaha  Barlamaanka maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe uu la kulmi doono madaxda maamulkaas.

Xiriirka  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan maamul goboleedka Puntland ayaa aad u xumaa waayadan , inkastoo aan la ogayn sida uu noqon doono wada- shaqaynta labada dhinac.

Wixii ku soo kordha kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.