Cabdiraxmaan Cabdishakur ‘’Waxaan helnay Lacag ka badan 1-bilyan oo doolar‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Ergeyga gaarka ee Madaxweynaha  Dowladda Federaalka u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada iyo gurmadka abaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa maanta qabtay shir jaraa’id oo uu uga warbxinayo xaaladdihii ugu danbeeyay ee gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ergeyga ayaa sheegay iney caqabadaha ka heysto gar-gaarka abaaraha ay kamid tahay inaan dowladda Soomaaliya lagu aamineyn deeqaha, oo lasoo marsiiyo hay’ado caalamiya.

Wuxuu xusay in loo baahanyahay iney isku tashadaan shacabka Soomaaliyeed, si looga maarmo tuugsiga iyo wax weydiisiga wadamada shisheeye.

Waxa uu sheegay Ergayga in ilaa iyo hadda ay heleen Halbilyan  oo doolar lacag ka badan oo ay ku yabooheen Hay’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay si ayuu sheegay wax loogu qabto dadka  u baahan gurmadka.

Ergeyga gaarka ee Madaxweynaha  Dowladda Federaalka u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada ayaa ka codsaday Hay’adaha ku yaboobay lacagtan in ay ku soo wareejiyaan gacanta Dowladda  oo lagu aamino si  Dowladda ay u fuliso qorshaha gargaar .

Leave a Reply

Your email address will not be published.