Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir). Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimaha difaaca iyo amniga iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo adkeeyo difaaca shacabka iyo ciribtirka Shabaabka ku sugan deegaanada ka tirsan...
Day: August 23, 2025
RW Xamsa oo ka hadlay doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan, kaas oo maanta lagu doortay magaalada Laascaanood. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryay Guddoomiyaha cusub in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo doortay, oo ay...
Muxuu kala hadlay Ra’iisul wasaare Xamsa safiirka Shiinaha ?
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya H.E. Wang Yu, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo qotada dheer ee u dhaxeeya labada Jamhuuriyadood. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay...
Ruushka oo duqeymo ba’an ka wado Ukraine
Ruushka ( Raxanreeb Online) Dalka Ruushka ayaa 574 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo 40 gantaal ku garaacay dalka Ukrain mid ka mid ah duqeymihii ugu cuslaa todobaadyo gudahood, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine. Hal qof ayaa ku dhintay diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal ay ku garaacday galbeedka magaalada Lviv, waxaana la...
Dr Aadan Cabdullaahi oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya
Laascaanood ( Raxanreeb Online) Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa maanta ka dhacday doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, oo ay ku tartamayeen ilaa iyo labo musharax. Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas ayaa Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan u doortay guddoomiye kaddib markii uu helay codad gaaraya 53 halka musharaxii kale ee la tartamayay Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed...
SNA Troops Dismantle al-Shabaab Bases in South West State
Bay, Somalia – The Somali National Army (SNA), particularly the 8th Battalion of the 60th Division, has carried out large-scale operations targeting al-Shabaab hideouts in several areas of Bay region, South West State. According to military officials, the operations were conducted in locations including Garas Gamaan, Xinshiloole, Waneey, and other surrounding villages in western Bay....
Wasiirka Qoyska ee XFS oo la kulantay mas’uuliyiin katirsan dowladda Norway
Norway (Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso oo jooga dalka Norway ayaa kulan la qaadatay Xoghayaha Shaqaallaha iyo Arrimaha Bulshada dalka Norway Kjetil Vevle ayadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo wada shaqeynta labada dowladood. Kulanka waxaa si gaar ah looga wada hadlay sidii...
Ciidanka Puntland oo howlgal ku dilay 7 xubnood oo katirsan Daacish
Boosaaso (Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidamada Difaaca Puntland ay ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay deegaano ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Howlgalka ayaa ciidamada waxa ay si gaar ah uga fuliyeen Ceelasha Yucrinta iyo Goble oo katirsan deegaanka togga Baalade. Ciidamadu ayaa la sheegay in ay Daacish si...







