Ciidanka Puntland oo howlgal ku dilay 7 xubnood oo katirsan Daacish

Ciidanka Puntland oo howlgal ku dilay 7 xubnood oo katirsan Daacish

Boosaaso (Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidamada Difaaca Puntland ay ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay deegaano ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Howlgalka ayaa ciidamada waxa ay si gaar ah uga fuliyeen Ceelasha Yucrinta iyo Goble oo katirsan deegaanka togga Baalade.

Ciidamadu ayaa la sheegay in ay Daacish si buuxda oo awood leh ugala wareegeen Ceelasha Yucrinta iyo Goble oo ka tirsan togga Baalade.

Sidoo kale Ciidamada la tilmaamay in dhan walba ka joogan togga Maraagaale oo weli xubno Daacish ah ay ku sugan yihiin.

Inta la xaqiijiyey ciidamada ayaa howlgalka ku dilay 7 dagaalame, halka tiro intaasi ka badana laga dhaawacay oo ciidanku ay ku raad jogaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.