Day: January 22, 2026

Home » Archives for January 22, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la filayo inuu  u safro dalka Itoobiya
Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la filayo inuu u safro dalka Itoobiya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu u amba baxo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi uu kaga qeyb gali doono sannad guurada 90-aad ee aas aaska ciidanka cirka Itoobiya. Munaasabada dabaal degga, ayaa la filaya in ay socoto 23-ka ilaa iyo 27-ka bishaan Janaayo. Ilo wareedyo, ayaa...

Muxuu Madaxweyne Cirro kala hadlay madaxweynaha Israa’iil ?
Post

Muxuu Madaxweyne Cirro kala hadlay madaxweynaha Israa’iil ?

Davos ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xalay magaalada Davos ee dalka Switzerland, kula kulmay madaxweynaha dowladda Israa’iil, Isaac Herzog iyo Eric Trump oo ah Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka. Kulanka ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid muhiim ah oo labada dhinac ay kawada hadleen arrimo kala duwan. Qoraal kasoo baxay...

Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya ?
Post

Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay amniga dalka, howlgallada socda ee ay wadaan Ciidamada Qaranka, iyo gogosha wadahadal ee ay u fidisay Xukuumadda DanQaran dhinacyada siyaasadda. Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa lagu...

Golaha wasiirrada Jubbaland oo yeeshay kulan degdeg ah oo amniga ah
Post

Golaha wasiirrada Jubbaland oo yeeshay kulan degdeg ah oo amniga ah

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan,ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo uu la yeeshay Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland. Kulankan ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda amniga guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada Jubbaland, iyadoo sidoo kale laga hadlay arrimaha siyaasadda iyo bulshada. Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowlad goboleedka...

Maxaa ka jira in Putin uu aqbalay casuumadda golaha nabadda ee Trump ?
Post

Maxaa ka jira in Putin uu aqbalay casuumadda golaha nabadda ee Trump ?

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in madaxweyne Putin uu aqbalay casuumadiisa ku aaddan in uu ku biiro hindisaha Guddiga ee uu asaasay Trump, kaas oo ujeedadiisu tahay tahay xallinta khilaafaadka adduunka oo dhan. Balse mr. Putin ma uusan xaqiijin arrintan; horay ayuu u sheegay in jawaabta Ruushka ee casuumadda ay imaan doonto oo keliya...

Jubbaland oo sheegtay in ay dib ula wareegeen deegaanka Kudhaa kaddib markii laga qabsaday
Post

Jubbaland oo sheegtay in ay dib ula wareegeen deegaanka Kudhaa kaddib markii laga qabsaday

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Maamulka Jubbaland ayaa saakay markale shaaciyay in ciidamada Daraawishta Jubbaland ay markale dib ula wareegeen deegaanka Kudhaa ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo shalay ay dagaal ku qabsadeen maleeshiyaadka Al-shabaab. Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in saakay ciidanka Jubbaland iyo ciidanka Danab ay dhowr jiho...

Maxaa sababay inuu Trump ka laabto damaciisa cashuurta iyo arrinkii Greenland ?
Post

Maxaa sababay inuu Trump ka laabto damaciisa cashuurta iyo arrinkii Greenland ?

Madaxweynaha Mareykanka Trump, ayaa markii uu la kulmay Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte, Trump ayaa sheegay in uusan soo rogi doonin canshuuraha loo qorsheeyay inay dhaqan galaan 1-da Febraayo. Hadalkan wuxuu ka dhigan yahay dib u gurasho, ka dib markii Trump uu ku hanjabay inuu canshuur hor leh ku soo rogi doono siddeed xulafo...