‎85 Neef oo Ari ah oo ku Dhintay Biriq ku Dhufatay Magaalada Wajir

‎85 Neef oo Ari ah oo ku Dhintay Biriq ku Dhufatay Magaalada Wajir

Wajir (Raxanreeb Online) Ugu yaraan 85 neef oo ari ah ayaa ku dhintay kaddib markii biriq ku dhufatay deegaanka Tula Tula, oo ka tirsan magaalada Wajir ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

‎Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhacdadan ay dhacday kaddib roob ka da’ay tuulada, xilli ay xooluhu ku sugnaayeen goob ay isugu yimaadeen. Biriqda ayaa si lama filaan ah ugu dhacday halkaas, taasoo sababtay in ari badan uu isla goobta ku dhinto.

‎Qoyska lahaa xoolaha ayaa sheegay inay si weyn uga murugaysan yihiin khasaaraha soo gaaray, maadaama xoolahaasi ay ahaayeen ilaha ugu weyn ee ay ku tiirsanaayeen noloshooda iyo dhaqaalahooda.

‎Sidoo kale, laba carruur ah oo ariga la joogay ayaa la sheegay in mid ka mid ah isbitaal la dhigay, kaddib markii uu si xoog leh ugu naxay dhawaaqa biriqda.

‎Odayaasha iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta deegaanka ayaa la sheegay inay booqdeen goobta ay dhacdadu ka dhacday, iyagoo qoyska dhibaatadu gaartay u muujiyay garab istaag iyo tacsi.

‎Dhacdadan ayaa waxa ay muujinaysa khatarta ay biriqdu xilliyada roobka ku hayso deegaanada baadiyaha, gaar ahaan meelaha ay xoolo-dhaqashadu tahay laf-dhabarta nolosha bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.