Amnesty oo war kasoo saartay kiiskii sharci darrada ee Cabdalle Mumin

Nairobi (Raxanreeb) — Amnesty International: Lix bilood kaddib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka la wareegay, weli dowladdiisu kama dhabeyn ballan qaadyadii ahaa in caddaalad iyo amni uu u horseedayo shacabka Soomaaliyeed.

Amnesty International ayaa maanta u soo bandhigtay dowladda Soomaaliya 10-qodob, oo ay tahay inay qaado Dowladda Soomaaliya si loo horumariyo xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka.

1o-kaasi qodob waxaa ku jira xaaladda xorriyadda saxaafadda oo meeshii ugu hooseysay gaartay, iyadoo xorriyatul qowlkuna uu noqday mid “gebi ahaanba” aan ka jirin Soomaaliya!.

Hay’adda Amnesty ayaa dalbatay in deg deg loo baabi’iyo eedeymaha ma dhaleyska ah ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay la daba taagan tahay Xoghayaha Guud Somali Journalists Syndicate – SJS Mr. Abdalle Ahmed Mumin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.