Ujeedka safarka  Madaxwayne Xasan Sheekh  ee Maraykanka

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha  Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa qorshaynaya in safar uu ugu ambabaxo dalka Maraynkanka halkaas oo  uu kaga qayb gali doono shir caalami ah.

Shirkan waxaa ka qayb gali doono madaxa qaarada Afrika  iyo  Dowladda Mareynkanka oo marti – galinaysa.

Shirkan inta uu socdo waxaa  diiradda lagu saari doonaa dhowr arrimood sida; xoojinta ballan-qaadka Maraykanka iyo Afrika ee dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Maraykanka waxaa shirka ku matali doona Madaxweyne dalkaas Joe  Biden, Madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo madax kale.

Madaxwaynaha Soomaaliya inta uu ku sugan yahay dalka Maraynka waxaa uu kulamo la qaadan doona madaxda ka qayb galaysa shirka sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

Xubnaha aadka loo hadal hayo inuu la kulmayo Madaxwaynaha Dowladda Federaalka waxaa ka mid ah Madaxwaynaha martida loo yahay ee Mareykanka Joe Biden oo uu kala  hadli doono arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale la filayaa inta uu ku sugan yahay Washington inuu kulamo doceed la qaato Madaxda Dowladda Maraykanka iyo kuwa waddamada Afrik.

MW Xasan ayaa sanadkii 2014 Washington kaga qeyb galay shirkii 1-aad ee Hoggaamiye-yaasha Dalalka Africa iyo Mareykanka, waxaana xusid mudan inuu dhawaan New York kaga qeyb galay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey

Leave a Reply

Your email address will not be published.