MD oo shir guddoominaya kalfadhiga 2aad ee Barlamaanka.

Muqdisho (Raxanreeb) Baarlamaanka labadiisa Aqal ayaa maanta kulan wadajir ah waxa ay  ku yeelanayaan xarunta Villa Hargaysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa la filayaa in uu furo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Ammaanka goobta lagu qabanayo kulanka ayaa la dhigay ciidamo badan ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaas oo sugaya amniga.

Shalay  Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS ayaa  falanqeeyay go’aaminta goobta lagu qabanayo furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka JFS oo ku beegan maanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.