Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Booliska ayaa sheegay in gacanat ay ku soo dhigeen nin ay ku eedeyeen in lacag been abuur ah oo doolar ah ganacsatada wax kaga iibsin jirin.
Saraakiisha Booliska ayaa soo bandhigay nin ay sheegeen in meelo badan oo magaalada Muqdisho ganacsato wax kaga iibsan jiray lacag been abuur ah
Howlgal ciidanka booliska ay fuliyeen ayay ku sheegeen saraakiisha in ay suurtagal ka dhigtay in eedeysanahan gacanta lagu soo dhigo.
Ciidanka booliiska ayaa degmada Waabari ku qabtay saddex nin oo iyagana lagu eedeeyay in waxyaabaha maanka-dooriya gaar ahaan calaq ay doonayeen in mooto bajaaj ku qaadaan, si ay goobo kale ganacsi ahaan ugu geeyaan.
Booliiska ayaa sheegay dhammaan raggan eedeesanayaasha ah hadda ku socdaan baaritaano dheeraad ah, waxa ayna xuseen in la horgeyn doono caddaalaadda si loo marsiiyo ciqaabta dambiyada ay galeen.
Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada howlgal ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga isla markaana ay kaga hortagaan waxyaabaha maanka dooriya.
Leave a Reply