Muqdisho (Raxanreeb ) Roobabka Deyrta ayaa siweyn uga da’aya inta badan gobollada dalka, waxaana isasoo taraya khasaaraha ka dhashay fataado iyo daadad roobabka, waxaana xaalad adag wajahaya kumaan qoys, kuwaas oo u badan dadka kuwooda danta yar, beeraleyda, kuwa deegaansanaya Jiinka wabiga oo fataadda la kulmay.
Fataadaha iyo daadadka ayaa si iskumid uga dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo Waqooyiga, lakiin waa loo sii kala daran yahay marka la eego wixii ka dhacay magaalooyinka dhaca gobolka Gedo, kuwaas oo ka wajahaya xaalad adag, marka laga eego saameynta fataahadda wabiga Jubba iyo daadka roobka da’aya.
Magaalada Baardheere oo marin muhiim ah u ah isku xirka labad dhnac ee gobolka ayaa daadka iyo biyo baxada Wabiga Jubba ay kala jareen, waxaana go’an Buundada Baardheere,taas oo biyuhu ay ka sare mareen, taas oo keentay in dadku ay isaga baxaan, kuwaas ooh ore u qaatay wixii ay sii haaban kareen.
Bulshada degmada Baardheere oo intooda badan ku tiirsan waxsoo saarka beerashada ayaa fatahaadda ku waayay dalaggii la beeray roobka ka hor, biyaha ayaa dhexqaaday dhulbeereed lagu qiyaasay 20 kun Hikter iyo dalagii lagu beeray xagaaga, taas oo nolosha dadka ciriiri galisay Baardheere waa go’doon.
Magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo daadad xooggan oo ka yimid banaanka iyo togaga sare ayaa buux dhaafiyay magaalada, taas oo xitaa kaliftay in garoonka diyaaradaha oo ahaa isha kaliya ee kaga degaan magaalada ay go’doonta, Ceelwaaq Dolow iyo Baladxaawo waa kuwa dhib mudanaya.
Roobabka ayaa sidoo kale fataado ka dhaiyay gobollada dariska ah ee Bay iyo Bakool ee deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana daadadka iyo biyo baxa siweyn u mutay magaalooyinka Baydhaba Xudur iyo Buurhakaba iyo Bardaale, kuwaas oo roobab kale duwan oo ka da’ay kala go’doomiyeen labada gobol.
Magaalada Xudur oo hore go’doon ugu jirtay Al-Shabaab ayaa hadda markale go’doon u gashay roobka, waxaana gabi ahaan baa’ba’ay dhulbeereedkii lagu noolaa gudaha bagaalada iyo banaankeeda, waxaa sidoo kale xirmay garoonka Diyaaradaha, kaas oo ahaa isha kaliya ee bulshadaas wax lagu gaarsiin jiray.
Roobabka ayaa sidoo kale ka da’aya deegaannada Hirshabeelle oo wabiga ayaa ku fatahay magaalooyin dhowr ah sida Baladweyne, Jowhar, Mahadaay iyo Afgooye cabsi la muujinayo, taas oo ku wajahan haddii ay Roobabku sii socdaan in la gali karo fatahaad aan hore loo arag, taas oo saameyn wada.
Magaalooyin Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Gurceel iyo Cadaado waxaa jirta cabsi laga qabo daadad soo rogmada roobab saacadihii ugu dambeeyay da’ayay ayaa bsha badan dhigay duleedyada magaalada oo haddii roobku bato keeni karta in biyuhu dib ugu soo laabtaan magaalooyinka aan hore usoo xusnay.
Deegaannada Puntland ayaa sidoo kale waxaa jirta cabsi laga qabo in roobabka da’aya ay fatahaad ay ka sameeyaan magaalooyin ay kamid yihiin Boosaaso iyo Qardho, laakiin ilaa iyo hadda waxaa kaliya oo la warinayaa in daadad ay ku dhufteen magaalo Xeebeedka Bandarbeyla ee gobolka Bari ee Puntland.
Gobollada Waqooyi ee Somaliland dhankooda waxaa ka da’ay Roobab badan, kuwaas oo laga dareemay magaalooyin badan sida Hargeysa, Boorama iyo Burco, laakin aan laga soo warin daadad ku rogmaday, balse musiibo adag ayaa ka jirta magaalada Barbera ee gobolka Saaxil oo daadad kusoo rogmadeen.
Dowladda Soomalaiya ayaa sheegay in roobabka da’aya ilaa hadda la xaqiijiyay geerida 10, ruux, waxaa sidoo kale jirta in dowladdu ku celisaydigniinta ku aadab in laga fogaado dhulka xeebaha ah, kuwaas oo ay ka dhalan karaan fatahaado iyo daadad, xilli laga qabsi qabo duufaanta Elnino in ay dalka ku dhufato.
Roobabka Dey’rta ee sanadkaan da’aya ayaa waxaa lagu tilmaamayaa mid lamid ah tii Soomalaiya ka da’day 1997-dii, taas oo loo yaqaanay biyo-baxadii oo muddo sanad ah ka da’day dalka, waxaana ay geysatay daadad xoogan, wallow xilligaas dadku aysan deganeen dhulka biyo-mareenada ah
Leave a Reply