Halkee maraysaa doorashada Koonfur Afrika ?

Halkee maraysaa doorashada Koonfur Afrika ?

Cape town  (Raxanreeb )- in ka badan 97 boqolkiiba codadka doorashadii dhowaanka ka dhacday dalka koofur Afrika ayaa la tiriyay, ayadoo xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) uu ku hoggaaminayo in ka badan 40 boqolkiiba wadarta guud codadka la tiriyay.

xisbiga ku xega ayaa ah AD oo haysta boqolkiiba 21, halka MKP uu haysto boqolkiiba 14, EFF uu 9 boqolkiiba, taasoo ka dhigan in xisbiga ANC ee talada hayaahi uu oo dhanka codadka ku horreeyo, balse waxaa walaac xooggan laga muujinayaa inuu aqbaliyadda kuraasta baarlamaanka heli doono iyo in kale.

Natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda, ayadoo madaxweyne Cyril Ramaphosa iyo seddex musharax oo kale ay madaxtinimada dalka ku loolamayaan.

Inta badan Soomaalida koofur Afrika ku nool ayaa sheegay inay u codeeyeen ANC, oo ay ku tilmaameen xibsi ay Afrikaannimadu ku weyntahay, islamarkaana arrinta Falastiin meel adag iska taagay, balse xisbigaas ayaa wajahaya tartan culus iyo hubanti la’aan dhanka aqlabiyadda ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.