Taariikhda Xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka

Taariikhda Xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka

Washington (Raxanreeb) — Maraykanku waxa uu leeyahay laba xisbi siyaasadeed oo waa weyn Xisbiga Dimoqraadiga iyo Xisbiga Jamhuuriga. Halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa taariikhda xisbiga Dimoqraadiga.

Xisbiga Dimoqraadiga waxa uu caan ku yahay in uu doorbido dawlad federaal oo ballaaran iyo siyaasad bulsho oo hor u socod ah.

Hase yeeshee, arrinta weligeed sidan ma aheyn.

1792-kii, markii Aabayaasha Aasaaska, Thomas Jefferson iyo James Madison ay abuureen Xisbiga Dimoqraadiga-Jamhuuriga, oo markii dambe noqday Xisbiga Dimoqraadiga, waxay doonayeen in dowladda federaalka ay yeelato door kooban iyo in dad badan ay qeyb ka noqdaan geedi-socodka dimoqraadiyadda.

1829-kii, Madaxweyne Andrew Jackson ayaa ballaariyey mabaadi’daas. Waxa uu rabay in dawladda federaalka ay sii yaraato, wuxuuna u ololeeyey in dadka wax dooranaya laga ballaariyo milkiilayaasha dhulka, oo lagu soo daro ragga cadaanka ah ee dhammaan dabaqadaha bulshada.

Ragga madow ayaan laheyn xuquuq ay ku codeeyaan muddo 41 sano ah, illaa laga ansixiyay wax ka-beddelkii 15-aad ee dastuurka. Haweenka ayaan codeyn jirin muddo 91 sano ah illaa laga ansixiyay wax ka-beddelkii 19-aad. Islamarkaana Xeerka Xuquuqda Codbixinta ee meesha ka saaray caqabadihii hortaagnaa cod-bixiyayaasha madowga ah ayaa qaatay 136 sano in la ansixiyo.

Ololihii madaxweyne ee Jackson ee guuleystay ayaa ahaa asalka astaanta Xisbiga Dimeqraadiga – dameerka. Kuwa ka soo horjeeday ayaa ugu yeeray “jackass,” astaantaas oo ay taageerayaashiisu qaateen.

1860-kii, Xisbiga Dimoqraadiga ayaa u kala qaybsamay joqraafi ahaan markii uu soo dhowaa Dagaalkii Sokeeye. Dimoqraadiyiinta Waqooyi iyo kuwa Koonfur waxay isku khilaafeen addoonsiga iyo ilaalinta midnimada.

Markii Koonfurta looga adkaaday Dagaalkii Sokeeye 1865-kii, Xisbiga Dimoqraadiga ayaa lumiyay sumcaddii qaranka muddo dhowr jiil ah, halka Xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Abraham Lincoln uu gacanta ku hayey siyaasadda.

1912-kii, markii Dimoqraadigii ugu horreeyay ee Koonfurta tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Sokeeye loo doortay madaxweyne, xisbigu wuxuu qaatay siyaasad horusocod ah. Madaxweyne Woodrow Wilson waxa uu xoojiyey sharciyada shaqada ee federaalka, wuxuuna u ololeeyey xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay codeeyaan, kaasi oo la ansixiyey 1920-kii.

Waxay qaadatay illaa ay ka dhacday dhaqaale xumadii Great Depression in Dimoqraadiga ay dib u soo ceshadaan awoodoodii siyaasadeed, ayada oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Franklin Roosevelt, kaasi oo sii ballaariyey doorka dawladda federaalka iyada oo loo marayo barnaamijyo taxane ah oo loo yaqaan Heshiiska Cusub.

Cod-bixiyeyaal badan oo madow ayaa u wareegay Xisbiga Dimoqraadiga sababo la xiriira siyaasadaha Roosevelt.

Dimoqraadiyiinta ayaa maamulayey saaxada siyaasadda inta badan 50-kii sano ee xigay, xisbiguna wuxuu u sii dhaqaaqay dhinaca bidix ee siyaasadaha bulshada.

Bartamihii 1960-meeyadii, Madaxweyne Lyndon Johnson ayaa meel mariyey sharciga xuquuqda madaniga ah, iyo sidoo kale barnaamijyo bulsho oo waa weyn, kuwaas oo ka fogeeyey cod-bixiyeyaashii Dimoqraadiga Koonfurta, oo intooda badan ku biiray Xisbiga Jamhuuriga.

Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, Dimoqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta ayaa isu bed-beddalay madaxtinimada.

Madaxweyne Barack Obama, madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah, ayaa ballaariyay doorka dowladda markii uu saxiixay sharciga daryeelka caafimaadka ee loo yaqaan “Obamacare.”

Markii Madaxweyne Joe Biden uu yimid xafiiska intii lagu jiray COVID-19, isaga iyo sharci-dajiyayaashu waxay ansixiyeen $1.8 tiriliyan oo xirmo gargaar COVID-19 ah, $ 1.2 tiriliyan oo ah sharciga kaabayaasha iyo $ 369 bilyan oo dheeri ah oo loogu talagalay isbeddelka cimilada.

VOA