Sambaloolshe muxuu ka doonay  Imaaraadka ?

Sambaloolshe muxuu ka doonay  Imaaraadka ?

Muqdisho (Raxanreeb )- Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa markii  ugu horeysay safar ugu baxay tan iyo markii la magacaabay dalka dibadiisa

Taliyaha  NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa safarkiisa ku tagaya imaaraaadka carabka oo la ogyahay kaalinta uu ku leeyahay  dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Socdaalkiisa Sanbaloolshe ayaa ku soo aaday, iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu bilihii la soo dhaafay mugdi galay ka horna uu ahaa saxiibka kowaad  ee dowladda Xasan Sheekh.

Dowladda  Imaaraadka ayaa  joojiyey  dhawaan gabi ahaanba  mushaarkii iyo agabkii kale ee ay ciidanka siin jireen.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii Muqdisho lagu dilay Saraakiil u dhalatay Imaaraadka oo ahaa saraakiishii qaabilsaneyd howlgalka tababarka ciidamada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.