SSC oo markii ugu horeysay ka qayb galaysa imtaaxaanka Qaranka.

SSC oo markii ugu horeysay ka qayb galaysa imtaaxaanka Qaranka.

Laascanood (Raxanreeb )-Diyaarad sidday Imitixaanka shahaadiga ee Wasaaradda Waxbarshada XfS ayaa maanta ka degtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, xilli maalinta berri ah loo fariisan doono imitixaanka fasalka 12-aad ee dusiyada sare dalka.

Masuuliyiinta maamulka SSC-Khaatumo ayaa garoonka diyaaradaha Laascaanood ku soo dhaweeyay, saraakiil ka soctay wasaaradda Waxbarashada XFS oo Goobjoog ka ahaan doono imtixaanka.

Imtixaanka ayaa loo fariisan doonaa ilaa iyo afar goobood oo ka kala tirsan magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.