Itoobiya oo tiri  ‘’ Kama baxayno Soomaaliya , waxaan samaynaynaa waxa inoo daw ah ‘’.

Itoobiya oo tiri  ‘’ Kama baxayno Soomaaliya , waxaan samaynaynaa waxa inoo daw ah ‘’.

Adis Ababa (Raxanreeb )- Dowlada Itoobiya oo sheegtay inuusan shaqayn amarkii dowlada Soomaaliya ku xirtay Qusuliyadaha ku yaal Garowe iyo Hargaysa.

Hadalkan waxaa shaaciyay Afhayeen u – hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Itoobiya .

Waxa uu intaas warkiisa ku daray Afhayeenka in Soomaaliya ay sii joogi doonaan , ciidankooda oo ay ka qayb qaadan doonaan xajiijinta amniga Soomaaliya sida uu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiu Tedla.

”Wali way shaqaynayaan labada qunsuliyadood lama Xirin ‘’ ayuu raaciyay  hadalkiisa Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda  Itoobiya.

Intaas waxa uu raaciyay ‘’ Dowladda Soomaaliya nama oran Ciidanka Itoobiya haka baxaan Soomaaliya, Arimaha ka jira Soomaaliya hadii Halis ay ku Noqdaan Itoobiya Cidna kama fasax qaadan doono ‘’

Waxa  xusay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya inay qaadi doonaan talaabo kasta oo u daw ah  dowladda Itoobiya sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo cirka uu isku sii shareerayo , khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya taas oo ka dhalatay la macaamiilkii ay  Somaliland kala yeesheen arrimaha badda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.