Puntland oo khatar amni ku sheegtay hub itoobiya laga keenay oo u gacan galay shacab.

Puntland oo khatar amni ku sheegtay hub itoobiya laga keenay oo u gacan galay shacab.

Garoowe (Raxanreeb )- Shalay degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud waxaa la soo galiyay hub aad u fara badan oo sababay iska hor imaad dhaxmaray dadka deegaanka iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyootay – halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dadka deegaanka oo nala hadlay.

Hase ahaatee maamulka Puntland oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in hubkaas suurtagal ay tahay inuu saamayn amniga uu ku yeesho deegaanada maamulka Puntland.

Hadalkan waxaa sheegay wasiirka arimaha gudaha  Puntland Juxa oo qoraal uu arintaas kaga hadlayay u dhigay sida tan.

“Dhacdadii shalay 15/7/2024 ee SHIILOMADOW iyo Degmada Caabudwaaq iyo hubkii ay gelbinayeen ciidamada NISA ee xuduudda Ethiopia kasoo gudbay waxay khatar weyn ku tahay xasiloonida Gobolka iyo Nabadda Soomaalida dhexdeeda labadaba. Intii ay jirtay xukuumadda XSM waxaa sii kordhay colaadda beelaha dhexdooda ah iyo kala aaminbaxa “Wasiir juxa.

Lama oga ilaa iyo hadda cida sida rasmi ah u leh hubkaas faraha badan ee dhanka Itoobiya ka soo galay Soomaaliya waxaana jira tuhun badan oo arintan ay abuurtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.