Wariyaasha muqdisho oo laga hor istaagaay in ay soo tabiyaan qaraxyadii ka dhacay suuqii tabeelaha sheikh ibraahim.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Hay’adaha aminiga soomaaliya ayaa saxaafada ka hor istaagay in ay soo tabiyaan qasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay suuqa tabeelaha sheikh ibraahim iyo dabkii ka dhashay oo aan weli damintiisa an lagu guuleysanin.

Ciidamo isu kugu jira nisa iyo kuwa booliska soomaaliya ayaa wariyaal wax ka duubayey ka tir tiray muuqaaladii camerada ugu jiray iyagoona ku wargeliyay in aysan waxba duubi karin ilaa laga nadiifinaayo suuqa oo uu ka muuqdo bur burka qaraxyadii lagu xeray ee geystay bur burka xoogan.

wariyaasha oo ka kala socday warbaahin kala duwan ayaa weli ku sugan suuqii gubtay in kastoo ay ilaala ka hayaan ciidanka diidan ay wax duubaan wariyaasha ee goobta tagay.

wariyaasha goobta tagay ayaa qorshahooda ahaa in ay soo tabiyaan xaalada goobta si loo helo warbixino ka dibna gurmad loo fidiyo dadkii dhibaatada soo gaartay ee suuqaasi ganacsiga ku lahaa .

Waxaa Saacado badan gubanaya Suuqa weyn ee Xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Garasbaaleey ee Gobolkaan Banaadir.

Suuqaan oo aad u camirnaa islamarkaana hanti badan ay dhextiilay ayaa la wariyay in dhammaantii uu dhulka dhigay dabka qabsaday Suuqaas sida dadka Deegaanka ay innoo sheegeen.

Gubashada Suuqaan ayaa dhaliyay kaddib markii Waaberiiskii Saakay lagu weeraray laba qarax oo markii dambe sababay in dab uu qabsado Suuqa Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee bannaanka Muqdisho.

Maalmaan ayay dadka deegaanka sheegeen in Suuqa Tabeelaha Sheekh Ibraahim lagu xirayay kaamirooyinka Amniga saacida taasina ay keebtay gubashada iyo qarax ku weeriridda Suuqaan.

Waxaa loogu howlanyahay daminta suuqaan inkastoo dabka qabsaday uu yahay mid weyn oo illaa iyo iminka maareentiisu ay qaadatay waqti badan.

Todobaadyo ka hor ayaa sidaan oo kale waxaa loo gubay qaraxyana lagu weeraray Suuqyada Marwa iyo Safa ee Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ganacsatada soomaaliyeed ayaa hada waxaa soo wajahay cabsi xoogan oo ku aadan qaraxyada lagu xiro goobaha ganacsi .

Leave a Reply

Your email address will not be published.