Waqooyi Bari (Raxanreeb Online): Maamulka Waqooyi Bari ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in mushahar loo bixiyo ciidamada maamulka, kadib markii uu fashilmay qorshe ay dowladda Federaalka damacsanayd inay ciidamo federaal ah ku dhex-geyso Puntland.
Xildhibaan Kilwa ayaa sheegay in ciidamada Waqooyi Bari ay u baahan yihiin in dowladda Federaalka ay bixiso mushaharkooda, isagoo arrintaas ku xiriiriyay isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira deegaannada Puntland.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan khilaafaadyo siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland, gaar ahaan arrimaha ciidamada, maamulka iyo awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Leave a Reply