Muqdisho (Raxanreeb Online): Garsoore Cabdifataax Saciid Maxamed, oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, ayaa go’aan ka gaaray kiiska Sacdiya Bajaaj, oo hore Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu xukuntay saddex sano oo xabsi ah.
Garsoore Cabdifataax ayaa dib u eegis ku sameeyay kiiska, waxaana sida lagu sheegay warbixinta uu meesha ka saaray eedihii Xeer Ilaalinta, sidoo kalena uu buriyay xukunkii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Go’aanka garsooraha ayaa kusoo beegmay xilli xukunkii hore uu dhaliyay dood iyo aragtiyo kala duwan oo ku saabsan cadaaladda iyo habka loo wajahay kiiska Sacdiya Bajaaj.
Qoraalka laga soo saaray arrintan ayaa ku tilmaamay go’aanka Garsoore Cabdifataax mid muujinaya muhiimadda madaxbannaanida garsoorka iyo ku dhaqanka sharciga, isagoo sheegay in garsooruhu uusan ku milmin cadaadis siyaasadeed oo la sheegay inuu ka jiray kiiska.
Garsoore Cabdifataax ayaa sidoo kale horey uga shaqeeyay kiisas kale, iyadoo warbixintu xustay inuu xorriyadooda u celiyay qaar kamid ah TikTokleyda oo ay maxkamaduhu horey xukuno uga soo saareen.

Leave a Reply